Home Afsomali Taliye Ciidan oo Maanta Muqdisho lagu dilay

Taliye Ciidan oo Maanta Muqdisho lagu dilay

Wararka Risaala ay ka heleyso degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegaya in Maanta la dilay Taliyihii Ciidanka Booliiska Waaxda Barwaaqo ee degmadaasi Dayniile.

Askari katirsan Ciidamada Booliska degmada Deeyniile ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay dilka Taliyihii Ciidamada Booliska Waaxda Barwaaqo xilli uu ku sugnaa isla Waaxda Barwaaqo ee xaafada Gubta, waxaana taliyaha la dilay Magaciisa lagu soo koobay Calas.

Wararka ayaa sheegaya in ka hor dilka Taliyihii Ciidamada Booliska Waaxda Baarwaaqo ee degmada Deeyniile uu khilaaf xoogan soo dhex galay, isaga iyo Askariga dilay, waxaana rasaasta lagu dilay ku dhaawacmay askari kale oo katirsan Ciidamada Booliska.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday, hayeeshee ay ku raadjoogaan si ay u soo qabtaan laamaha Amniga degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.