Home Afsomali Tanaasulkii SYL 1959kii. (Somali Untold History)

Tanaasulkii SYL 1959kii. (Somali Untold History)

Khilaafka siyaasiga ahi ma aha mid xiligaan oo qur ah ka jiray dalkeena bal waxa na soomaray khilaafyo hore oo xal laga gaaray.

DHACDO MARQAATI LEH 1959kii.

Xukuumadii labaad ee daakhiliga 1959 ee aun RW Abdullahi Isse Mohamud hogaaminayey ee SYL ayaa dhismaheedii khilaaf ka dhashay waxana is casilay wasiirkii Arimaha gudaha sidoo kale waxa u hogaan sami waayey 13 xildhibaan oo ka dirsanaa golihii dhexe ee SYL in ay dawladii la dhisay codka kalsoonidaa ogol siiyaan taasoo sababtay in laga saaro 13 xildhibaan golihii dhexe SYL,ragaasi oo ay ka mid ahaayeen Siyaasiyiin halgankii SYL door weyn ku lahaa.
Khilaafkaas kedib wakiilkii talyaaniga AFIS(Aministrazione fiduciario Italo_Somalo) xamar u fadhiyey wuxuu gaarsiiyey xasaradaas golihii ammanka UNka tasoo la soo amray in ay labada dhinac soo dirsadaan ergo si loo wada hadalsiiyo.
Waxa baxay 2 wafdi oo ay kala hogaaminayeen Raiisul Wasaarihii kmg Aun Abdullahi Isse Mohamud dhanka kalane waxa hogaaminayey Aun Abdirazaaq xaaji Husseen oo ka mid ahaa xildhibaanadii gadooday, waxa ay wada gaareen xaruntii UNka waxana la wada dejiyey hal Hotel.
Nasiib wanaag habeenimadii ayey shir dhexdooda ah ku yeesheen dood dheer kedib waxa ay ku guuleysteen in dhammeeyaan khilaafkii dhexdooda ah waxa ay go’aan ku gaareen:
_In xildhibaandii 13 ahaa dib loogu celiyo xilkii golaha dhexe SYL ee hore looga saaray.
_13 Xildhibaan in ay u hogaansamaan aqlabiyada SYL ka dhex jirto.
_Waxa ay Golaha ammaanka weydisteen in madaxbanaanida koofurta soomaaliya la soo hormariyo gobanimada 1Julay 1960 halka markii hore loo asteeyey 31/12/1960.
Aroornimadii subaxaas shirkii golaha ammaanka oo loo balansan in la dhegeysto khilaafka laba dhinac ayaa soomaalidii soo jeedisay qodobadii ay ku heshiiyeen arintaas oo lama filaan ku noqotay Golohii amaanka UNka,waxa la aqbalay dhammaan soo jeedimahii ergadii soomaaliyeed xataa kii gobanimada in la soo hormariyo ahaa waxa loo hambalyeeyay biseylka ay muujiyeen.
Isma maalintaas ayaa jariidadii ka soo bixi jirtay dalka Talyaaniga ee la oran jiray (corriere della Sera) oo la macno ahaa warsidihii habeenka lagu qoran ereyadan:
la delagazione somalo nella nazione uniti hano avuto un accordo di (MATURITA POLITICA),oo la macno ah wafdigii soomaliya ee UN tegey waxay gaareen heshiis aw ka muuqday BISEYL SIIYASI AH.

60 sano kedib maanta malaga yaabaa in siyaasiyiinta xamar ku shirsani cashar ka qaataa doorkii halgamayaashii SYL1959 tanaasulkii,goaamadii iyo biseyl siyaasi ahaa ee ay golihii ammaanka ka hor sameeyeen?

Fadlan share si taariikhdaas qarsooni(The Untold History)dadka soomaaliyeed u wada gaarto.

Xigasho:Somali archive iyo siyaasiyiintii xiligaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.