Home Afsomali Two men, says Hamar killed Cabdi Maxamed Calasow recently in...

Two men, says Hamar killed Cabdi Maxamed Calasow recently in this area are known looga Nin oo Qamiisyo Gashan oo la Sheegay in Xamar Jajab ku dileen Cabdi Maxamed Calasow kan tirsanaa dadka deegaanka aad looga yaqaanay

dilka Toogashada ah ee Cabdi Maxamed Calasow ayaa Goor dhaweyd ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in rag hubeysan ay dileen Nin Oday ah oo aad looga yaqaanay degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxa sheegayaan in ninka Odayga ah lagu dilay Suuqyaraha degmada Xamar Jajab  xilli uu ka soo baxay masjidka Xaaji Rajab ee degmada Xamar Jajab isla markaana lagu magacaabi jiray  Cabdi Culusow,hayeeshee dadkii ka dambeeyey dilkaas ay baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay sida horay looga bartay balse majirto cid loo qabtay dilkaas,waxaana meydka ninka odayga ahaa goobta ka qaaday eheladiisa.

Wararkii u dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay weli halkaasi howlgallo ka wadaan,sidoo kalena markii uu dilka dhacay kadib uu mudo daqiiqado ah hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Maamulka degmada Xamar Jajab ee Gobolkaan Banaadir weli kama hadlin dilka Cabdi Maxamed Calasow , waxaana todobaadkii ugu dambeeyey muqdisho kasii yaraanayey dilalka qorsheysan ee loo geysanayey Ciidamada dowladda iyo dad Shacab ah intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.