Meydka Ex wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabrii oo laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha aadan Cabule cusmaan cade ayaa salaadii janaasada lagula dukada isla garoonka waxaana aas qaran loogu sameeyey Gudaha ispitalka Madiina Ee Magaalada Muqdisho
Tacsida aaska waxaa ka qeybgalay masuuliyiin uu horkacay raiisal wasaaradaha xukuumada somaliya Xasan Cali Khyere iyo ku xigeenkiisa mahdi Maxamed Guuleyd Qadar gudoonka golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi xildhibhaano wasiiro taliyaal ciidan saraakiil culumaaudiin Qoyska iyo ehelada marxuumka
Masuuliyiintii aaska ka hadashay ayaa ka tacsiyeeye waxayna alle uga baryeen in marxuumka janadiisa ka waraabiyo
Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh ayaa dhashay 1956dii ayaa waxbarashadiisa jaamaca ku qaatay dalka Canada wuxuna xubin ka soo noqday baarlamaankii 9aad isaga oo laba jeer noqday wasiirka dastuurka