Home Afsomali VIDEO Beesha Carab Soomaali oo eed U jeedisay Suldaanka  Ku matalayo 135...

VIDEO Beesha Carab Soomaali oo eed U jeedisay Suldaanka  Ku matalayo 135 Oday . ( DAAWO SAWIRADA)

Aqoonyahano , Wax garad ,Odayaal ,Dumar iyo Dhalin karo ka tirsan beesha carab soomaali ayaa kulan ku qaatay magaalada Muqdisho, waxa ay eed u jeediyeen Suldaanka ku matalayo 135 oday ee soo xuli doono ergada 50 qof ee dooraneysa xildhibaanka ka mid noqonayo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

carab-somali-13

Xubno ka tiran beesha oo hadlay ayaa sheegay in muddo ay ku qaadatay sidii ay ula xiriiri lahaayeen Suldaan Saalax Baa Santuush oo ka mid ah 135 Oday ee soo xulay eragada cod bixinta ee 50 qof, dadka maanta kulmay ayaa sheegay in ay daneynayaan qaadashada talooyinka ka imaanayo shacabka uu Suldaanka u yahay.

Gudoomiyaha Jaaliyada Carab Soomaali Sheekh Xuseen Saalim oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay muhiim tahay wadashaqeynta Suldaanka iyo shacabka uu matalayo maadaama lagu jiro xaalad xasaasi ah.

Suldaan Xuseen Sayid Feysal oo ka mid ahaa Salaadiintii ka qeyb galay kulanka ayaa yiri “ Dowladda waa ay ku xaqrintahay Carab soomaali marka la fiiriyo beelaha kale sababtoo ah waxa aan leenahay xildhibaan iyo wasiir ku xigeen intaasina  waa ka qaro weyn nahay waa in ay dowladda cadaaladda eegtaa ”

Cumar Baafo Gaaf oo ka mid ah waxgaradka beesha Carab Soomaali ayaa yiri” Suldaanka waxa aan ugu baaqayaa in uu u dhego nug laado dadka uu wakiilka u yahay si aan talo ugu yeelano qofka nagu matalyo baarlamaanka imaan doona.”

Dhanka Kale Suldaanka Beesha Carab Saalax ee eeda Loo Jeediyay Ayaa ka Gaabsaday in uu ka warceliyo sababta keentay in uu waqti siin waayo dadka uu matalayo.

Waxaa muddooyinkan soo ifbaxayo beelo soomaaliyeed oo cabashooyin ka muujinayo odayaasha ku matalayo 135 xubnood ,waa ayna sii jireysaa cabashadan tan iyo inta la heli doono dowlad kale oo badasha mida hadda shaqeyneysa.

carab-somali-8 carab-somali-9 carab-somali-10 carab-somali-11 carab-somali-12

 

3 COMMENTS

Leave a Reply to Mohamed Bashir Hashi Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.