https://youtu.be/T19p-aZb2EU
Kulan lagu raadinayey Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Sixowle Karanle oo ah Curudka Karanle ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.
Kulankaasi ayaa lagu soo bandhigay cadaalad darada ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaan saami qeybsiga beesha oo si cad oo aan xishood lahayn loo duudsaday, waxana su’aal laga keenay aaway xaquuqda Beesha Sixowle Karanle mise Soomaaliya maba ahan.
Ayaan Faarax Abukar oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ka hadashay madashaasi ayaa sheegtay in la duudsiiyey xaqooda ay ku lahaayeen Dowlada Soomaaliya Taasina ay tahay mid aanan loo dulqaadan karin oo marnaba la aqbali karin iyadoo tusaale usoo qaadatay in ay jireen beelo ka cabanaya in lagu yareeyey kuraasta ay ku leeyihiin dowlada balse iyaga aysan xitaa heysan hal kursi waxayna baaq u dirtay madaxda dowlada Federaalka iyo odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.
intii ka soo qeyb gashay kulankaasi ayaa isku raacay in ay jirto cadaaalad darro lagu haayo Beesha Sixowle Karanle Hawiye.
Hadaba halkani ka daawo Golaha Beesha Sixowle oo soo bandhigtay cabashadooda.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0p