hadal heynta ugu badan ee la isla dhaxmaray xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa noqotay meydkarfaneysan oo lagu dhax arkay dukaan xili uu ka socday dayactir dhismo ku teedsan kawaanka hilibka ee dagmada xamar weyne taasi oo dadka intiisa badan ay ku abuurtay cabsi aad u weyn ayaa si uu bulshada inteeda kale ula wadaago Tv eryal Xafiiskiisa magaalada Muqdisho wareysi ugu tagay taliyaha Bolice ka ee saldhiga 4 irdood oo ka mid ahaa ciidankii lagu soo wargaliyey dhacda markii ay arkeen ganacsatadu .
G/dh Cabdi Ciise faarax ( yaxaas ) oo ah taliyaha Saldhiga Ciidanka Bolice ka ee dagmada Xamar weyne isla markaana uu dhinac fadhiyey taliye ku xigeenka saldhiga gaashaanle siidow Macalin isaaq ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey eryal tv ugu xaqiijiyey in falkaa naxdinta leh loo xirey ilaa 4 ruux baritaano kalana uu bolice ku wado wuxuuna sidoo kale ka hadlay xaalada amni iyo howlaha baaxada leh ee uu wado cidianka saldhiga xamar weyne isaga o ku hanjabay in dhacdo kasta ka salgaari doonaan
ugu danbeyntii taliye yaxaas ayaa mahadcelin iyo amaan xaf dhaaf ah u soo jeediyey Eryal Tv qaabka uu bulshada ugu shaqeeyo