Home Afsomali VIDEO Boobka dhulka cumar finish iyo Dhul iyo guri

VIDEO Boobka dhulka cumar finish iyo Dhul iyo guri

Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdraxmaan Aadan ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish uu dhagax dhigay dhul ay leeyihiin ciidamada Asluubta, oo uu sheegay inay boobayaan dad shacab ah.

Taliyaha oo shir jaraa’id isugu yeeray saxaafadda ayaa sheegay in dhulkii uu Asluubta ku lahaa Magaalooyinka Muqdisho, Afooye iyo Balcad ay ku jiraan halis, islamarkaana qaarkood la boobay, halka qaar kalana hadda la qorsheenayo in la boobo sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa si gaar ah Guddoomiyaasha Muqdisho iyo Balcad ugu eedeeyey inay dhul ay Asluubta leedahay siinayaan dad shacab ah oo si sharci darro ah ku qaadanayo.

Dhulkii ciidamada Asluubta ee Xabsigii Keydsaney oo hadda isbitaal ahaan ku shaqeeya ayuu sheegay in loo sharciyeeyay dad shacab ah oo uu dhagax dhigay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dhulkii ciidamada Asluubta oo la boobayo.

Wuxuu caddeeyay in dhulka Keydsaney oo Asluubta la siiyey sanadkii 1980-kii si sharci darro ah loo siiyey shirkad lagu magacaabo Dhul iyo Guri oo la rumeysan yahay inay wax ka leeyihiin shakhsiyaad miisaan ku dhex leh Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Degmada Balcad uu bilaabay inuu Shacabka u sharciyeeyo dhul horey loogu sharciyeeyey Asluubta oo ku yaalo Magaalada Balcad isla markaasna ay Asluubta heysato sharicigii lahaanshiyaha.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidamada Asluubta ayaa sheegay inuu arrintaan u gudbin doono madaxda ugu sareeyo dalka isla markaasna iyaga looga fadhiyo inay go’aan ka qaataan boobka uu sheegay in lagu hayo dhulkii Asluubta laheyd.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Taliyaha Asluubta

https://youtu.be/Y1-76LdAWgc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.