Home Afsomali VIDEO Daahir Cabdulle Cawaale Soo dhaweyntiisii

VIDEO Daahir Cabdulle Cawaale Soo dhaweyntiisii

Soo dhawayn aanay u kala harin , Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan maamulka Hirshabelle , ayaa lagu soo dhaweynayey , Daahir Cabdulle Cawaale Musharax Maxweynenimo ee Hirshabelle .

Daahir cabdulle cawaale oo ah mushrax u taagan xilka madaxweyne nimo ee maamulka hirshabelle waxaa uu ahaa musharaxa ugu soo jeedashada badan ee khudbadiisa wax qabadka uu kusoo hadal qaaday sida ay bogaadiyeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku sugan magalada jowhar .

Soo dhawayntani oo ay kaga hortageen Qaybaha kala duwan ee Bulshadu labada Gobol ee uu ka kooban yahay maamulka Hirshabelle.

Waxaana Soo dhawayntani loo sameyey Daahir cabdulle cawaale  Musharax oo ay iskugu soo baxayeen Tiradii ugu badnayd, kuwaasi kusoo dhaweyey Qalbi iyo Gacmo furan .

Qeybaha Dhaqanka oo aragtidooda ku micneeyay in uu yahay shaqsi mudan kara inuu hogaamiyo hirshabelle iyagoo ku xushay misaaniyada hadal ee musharaxa ee ka dhex muuqatay khudbad uu ka hor jeediyay golaha wakiilada ee hirshabelle

Odaayasha dhaqanka ee waxqabadka uu sheegay musharaxa ku tageeray ayaa daahir cabdulle cawaale  waxay ay ku sheegeen in micno  ay yeelaneyso khudbadii uu kuso bandhigay wax qabad siyaasadeedka uu la imaan doono

Daahir  isagoo hal ku dhig ka dhigtay waxbarasho bilaash ah gacan siinta beeralayda ee wanaajinta dalaga wax soo saar ee hirshabelle iyo caafimaadka oo uu ku asteeyay ahmiyada koowaad inay u tahay daryeel buuxa uu u sameeyo hooyada iyo dhallaanka.

Daahir cabdulle cawaale musharaxa madaxweyne ee hirshabelle  ayaa kalsooni ay u  muujinayaan odayasha dhaqanka ee sida weyn u dorasa arimaha siyaasada hirshabelle waxaana muuq baahiyaha ay sheegeen.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.