Home Afsomali VIDEO Dastuurku ma mid Soomaalieed baa mise koofurta umbaa leh

VIDEO Dastuurku ma mid Soomaalieed baa mise koofurta umbaa leh

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa daah furay.

Kulankaan1aad kalfadhiga 5aad  oo koorom la.aan iyo Arimo kale u baaqday labadii maalin ee ugu dambeysay.

Waxaan ka dib la guda galay  dhageysiga warbixinta ay gudbiyeen guddiga dib u eegista Dastuurka.

Gudoomiyaha gudiga dib u eegista dastuurka senator Cabdi Xasan Cawaale ( Qeybdiid ) ayaa laga dhageystay warbixinta dastuurka

Ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey   ayaa hoosta ka xariiqay in dastuurka aan la dhameystiri Karin inta ay somalilnad ka maqan tahay

Sidoo kale Gudoomiyaha Gudiga difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa cabasho ka keenay arrimaha Qabyo Qoraalka Dastuurka, ee  lagu  soo bandhigay fadhigii Baarlamaanka, isagoo dalbaday in loo caddeeyo in Dastuurka  yahay mid Soomaaliyeed ama mid ku eg Koofurta Soomaaliya.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland aanay aheyn shaqo doon, balse yihiin kuwo u  joogaan Muqdisho mideynta umadda Soomaaliyeed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.