https://youtu.be/S3bncDWodT8
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay qorshaha kaga dagan dagaalka Xarakada Al-shabaab iyo xaqiijinta amniga guud ahaan dalka.
Waxa uu sheegay in uu yahay shaqi aad u yaqaano Ciidamada islamarkaana howsha ugu horeysa uu qaban doono ay noqon doonto sidii loo tayeyn lahaa Ciidamadada Xoogga dalka Soomaliyeed oo dhibaato ay ka muuqato.
Sidoo kale Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in sidoo kale ay ka shaqeyn doonaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ahaan dalka, kadib la qorsheyn doono dagaal lagu qaado Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in ay dhiiri galin doonaan dhamaan ciidmadda Xoogga dalka Soomaliyeed si aysan u dhihin daryeel kama heshiin madaxdiina.
Ugu dambeyntii Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in iskaashi ay la sameyn doonaan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku sugan, oo dhamaadka sanadkaan la rejeynayo in ay bilaabaan sidii ay kaga bixi lahaayeen guud ahaan dalka.
codka Wasiirka hoos ka dhageyso