https://youtu.be/VvY796upUtI
“Cidina Uma Maqna, Ceelna Uma Qodana”. Waxaa hadalkiisa ku bilaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan markii uu ku guuleystay xilka Madaxweyne ee Soomaaliya sanadkii 2000 shir ka dhacay magaalada Arta ee dalka Jabuuti. Waxay ahayd khudbad taarikhda gashay, waa Clip 2 daqiiqo ah qof walba oo waqti u hela inuu dhageysto ayaan jeclaan lahaa. Wuxuu ummadda Soomaaliyed guud ahaan si gaar ah Madaxda uu xusuusiyay Masuuliyada ka saaran dalkooda.
Wuxuu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyed, gaar ahaan Madaxda inay ilaaliyaan ballamaha ay galaan, wuxuu soo daliishaday ayaad quraan ah oo oranaysa WA UUFUU BIL CAHDI INAL CAHDA KAANA MASUULAA. Murashixiinta Madaxweyne ogaada Masuuliyada aad doonaysaan inay aad culus tahay, khudbada Cabdiqaasim waxaa ka muuqatay inuu fahmsanaa xilka uu doontay inuu yahay Amaano. Waxaan kale oo ugu baaqaya Madaxda cusub ee la dooran doono inay taarikhihii hore ee la soo maray wax ka bartaan.
Tixgelin,
Ahmed Nuur Arlaadi
Dhanka youtube ka linkiga hoose