Munaasibadaani oo aheyd mid si rasmi ah ay dowlada Somaliya ay kula wareegeysay garoonla cayaaraha istadium muqdisho tuulada sportiga si loogu soo celiyo howlihii sport ee uu dalka iyo dadka u haayey
Shacab ka kala yimid dhamaan dagmooyinka gobolka banaadir oo si aad ah u xamaasadeysan ayaa kula kulmay masuuliyiinta dowlada oo socod kormeer ah ku maray qeybaha uu ka kooban yahay garoonkii dadnaa ee muqdisho stadium
waxaana ka soo qeybgalay Safiirka dowlada ugaanda Xildhibaano iyo wasiiro taliyaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida
Kooxaha iyo faanaaniinta onkod iyo heegan ayaa soo bandhigay heeso iyo Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka somaliyeed ka turjumayey. Iyada oo ay baambeyda labada kooxoodna music kà tumayeen
Dadweynihii ka qeybgalay oo u xiisa qabay mar uun ay arkaan gudaha garoonkii dadnaa oo qaarkood weligood arkin ayaa ku yaacay markii ay ogolaanshiyo ka heleen ciidamada amaanka waxayna sheegeen sida ay u arkaan in gacanta dowlada lagu wareejiyo garoonka mudo ka dib
u qeybsanaha howlaha midowga africa ee Somaliya oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyey
Sida ay ula weyntahay ka qeybgalka kala wareega Muqdisho Stadium
Wuxuuna dowlada ugu hambalyey shaqada iyo dadaalka ay dalkeeda ka wado iyo garabsiinta ciidamada Amisom
Wuxuuna ka sheekeeyey magaalooyinka iyo gobolada ay ka howlgalaan ciidamada nabadilaalinta ee midowga africa ee amisom oo taageero ciidan iyo hubeyd la garabtaagan ciidamada dowlada somaliya
taliyaha ciidanka Boliceka Somaliyeed ayaa xusay in dhamaan shacabka Somaliyeed ay ku faraxsan yihiin dib ula wareegida garoonka kubada Cagta ee Muqdisho stadium wuxuuna halkaa ka cadeyey in la joogo waqtigii ay somaliya isku tashan laheyd
madaxa howlgalka AIMISOM Mr seymo Ayaa u mahadceliey amisom wuxuuna ku dhawaaqay ku wareejinta garoonka Muqdisho stadium ee Ciidamada boliceka soomaaliyeed
Wasiirka wasaarada gaashaandhiga oo soo gunaaday munaasibada ayaa gacan ku heynta garoonka ku wareejiyey ciidamada bolice ka somaliyeed
waxaana gabi ahaanba ka huleelay Halkaasi oo ay lugtii ugu danbeysay uga baxay ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa ee AMSIOM
garoonka waxaa dowlada shiinuhu ay dhiseen 1978 waxaana lagu qaban jiray tartamo ciyaadeed kala duwan wuxuuna garoonku qaadaa ilaa 30 kun oo qof