Home Afsomali VIDEO Faysal Cali Waraabe Oo Sharaftii Ka Qaaday Cali khaliif “Dantaanu Lahayn...

VIDEO Faysal Cali Waraabe Oo Sharaftii Ka Qaaday Cali khaliif “Dantaanu Lahayn Hadaanu Gaadhnay” Cali oo eedeeyey Puntland Qosolka Aduunka

https://youtu.be/cYo-b1_68SM

https://youtu.be/WeBt_IX8ObE

Cali khaliif Galaydh ayaa Qudbad Uu ka jeediyay Magaalada Caynaba Waxaa Uu Si Cad Jabhada  SNM Uga Codsaday In Ay  Duulan Buuhoodle  Ka dhan ah Ku Gacan Siiyan Islamarkaana Wax Lagala  Qabto Ciidanka Buuhoodle iyo madaxweynaha khaatumo Cagalule.

Wuxuuna ku Bilaabay Cali khaliif Hadalkiisa”“Waxaa yaab leh Oo Marnaba Aanan Fahmayn War Puntland ayaa Nagu Ah  Duulimaad  oo Siyaasad ahaan dhaqaale Ahaan Ciidan ahaan Duulan Nagu ah War Adeerayaalow Nala Garto Gacan nasiiya War maamulka Buuhoodle Maamul naga Dul Dhisaaya Oo ciidan Dhawr Boqol Ahina U joogan Kuwa kalana la Qoraayo War Hooy Walaahay In aanan Aaminayn somaliland iyo Isaaq Toona hadaydan wax nagala qaban taas.

 

Isku Soowada Xooriyo hadalka Oday cali khaliif ayaa ah Mid cad oo Ka dhan ah Magaalada Buuhoodle  Sidii Gacanta SNM Loo Galin lahaa balse waxaa yab leh Tolow Reer Buuhoodle Ma Aqbali Doonan in cali Dib ugu Soo fuulo cabdi Guray Hotel Buuhoodle.

Qodobada kasoo baxay Heshiiskii ay  galeen Khaatumo iyo Somaliland ayaa waxaa  ka mid ahayd in Dastuurka la furo, In  lawada ilaashado Somaliland iyo Ciidanka Khaatumo lagu daro Somaliland

Cali Khaliif Isagoo ka hadlayey Arinta Dastuurka ayaa  sheegay in  hadii la Furo Dastuurska Somaliland ay ka Faa’iidaysan doonaan Dhamaan Somaliland-ta Cusub, Siduu Hadalka u dhigay.

Wuxuu Codsaday inay Somaliland Duulaan ku Qaado Puntland, Isagoo ku eedeeyay inay ku hayso Faragelin Siyaasadeed, Dhaqaalle iyo mid Ciidanba.

“Puntland ayaa Duulimaad nagu ah Siyaasad ahaan, Dhaqaalle ahaan iyo Ciidan ahaan, Adeerayaal Nala garta oo Gacan na siiya, Harti iyo Daarood wax la dhaho ma jiraan, Buuhoodle maamul ayay naga dul dhiseen, Ciidamo ayaa ka joogay Kuwa kalana way Qorayaan” Ayuu yidhi Cali Khaliif.

“Wallaahay ma aamini doono Somaliland iyo Isaaq Hadii aysan Puntland oo Rabta Dhulkayaga Wax nagala Qaban” Ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.