Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Golaha meeqaamu sameynta gobolka banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaano Odoyaal siyaasiyiin duubabka dhaqanka xubno dalka dibadiisa ka yimid waxgarad haween Jilib weyn dhalinyaro aan lagu arag iyo marti sharaf kale .
Kulanka ayaa dhacay ka dib markii uu casuumay Hogaamiyaha Xisbiga Ilays islamarkaasna ah gudoomiyaha gudiga arimaha dibada BFS xildhibaan cabduqaadir cosoble Cali oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka
Shirkaan waxaan lagu gorfeeyey sidii lagu hello lahaa meeqaamka gobolka banaadir loona arki lahaa madaxweyne maamulka gobolka banaadir uu leeyahay.
Waxayna hoosta ka xariiqeen in hadii la dhiso wax dhibaato ah aysan ka imaneynin Iyaga oo fariin u direen madaxda sare ee dalka
ayaa waxaa ay kaga hadleen meeqaankii gobolka banaadir oo ay sheegeen in la waayey halkii uu cirib iyo jaandhigay iyo wixii uu xaquuq kahaa .
Xubnaha golaha deegaanka gobolka banaadir ee madasha ka hadashay ayaa dalbaday in ay helaan nidaamka lagu dhisay maamul goboleyda dalka mid la mid ah.
Waxayna sidoo kale ka hadleen dhibaatada amni iyo xirnaashuyaha wadooyinka xiran

Hogaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan Cabqaadir Cosoble Cali oo shirka soo gabagabeeyey ayaa sheeegay in xildhibaanada ay ka mideysan yihiin gobolka banaadir in uu xaqiisa helo sidoo kale wuxuu rajo ka muujiyey in la heli doono xaqa ka maqan Gobolka Banaadir