https://youtu.be/s6JhWC8_JEM
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA KENYA Monica Juma, ayaa sheegtay in ficillada dowladda Soomaaliya ee dhulka la isku haysto ay yihiin kuwa aan wanaagsaneyn.
“Xitaa hal mitir oo dhul ay Kenya keedahay ugama tagi doonno dowlad kale” ayey tiri Monica Juma.
Monica oo warbaahinta caawa kula hadleysay Nairobi ayay sheegtay inay jiri karto cunaqabateyn Kenya ay saarto Soomaaliya, taasi oo ku xirnaan doonta jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixiso “xuduudda lagu muransan yahay”