Home Afsomali VIDEO Ismaaciil Cumar Muqtaar oo la wareegay xilka gudoomiyaha dagmada Xamar jajab

VIDEO Ismaaciil Cumar Muqtaar oo la wareegay xilka gudoomiyaha dagmada Xamar jajab

https://youtu.be/ikR-vHX7dX4

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir , Ururada Bulshada iyo Marti sharaf kale ayaa kasoo qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Degmada Xamar jajab Mudane Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oranja).

Agaasimaha Arimaha Bulshada iyo diiwaan galinta ee Wasaarada arimaha gudaha ee XFD Cabdulaahi Xusen Xasan ( Fanax ) ayaa ugu horeyn minaasibada ka hadlay wuxuuna faahfaahiyey Ujeedka Kulanka iyo danta laga leeyahay wuxuuna xusay in xilwareejintu tahay mid meerta ah cidkasta oo xil heysana mar uuna qof kale ku wareejineyso

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar  Jajab Cabdiwali Cabdullaahi Maxamed ayaa u mahadceliyay Maamulkii ay soo wada shaqeeyeen iyo shacabka degmada.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar jajab mudane Ismaaciil  (Orenja)  ayaa sheegay in uu la imaan doono waxqabad muuqdo waxa uuna ka hadlay marxaladaha adag ay haweenka Soomaaliyeed ku shaqeeyeen.

Wasiir ku-xigeenka gaashaandhiga Cabdullaahi Colaad Rooble, Wasiir ku-xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ee dowlada Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla iyo Xildhibaanad Samsam Daahir Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab inuu isbedelo horumarineed kusoo kordhiyo Degmada Xamarjajab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.