Wakiiladii ka socday dowlada Kenya ayaa shalay maxkamada cadaalada ee Aduunka ka hor jeediyay doodii ugu danbaysay ee isku hortaagayaan in maxkamada qaado dacwada muranka badda ee udhaxaysa labada dal.Kenya waxay dowlada Somalia ku eedaysay in iyadu masuul ka tahay weerarada Alshabaab ka gaystaan gudaha Kenya,waxay sidoo kale maxkamada ka horsheegeen in dowlada Somalia aysan lahayn awood ay ku maareyso xuduuda badda ay la wadaagto Kenya sidaas darteed ay muhiim tahay in lagu dhaqmo heshiiskii isafgarad ee labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2009.Waxay maxkamada ugu baaqeen inaysan soo faragelin muranka udhaxeeya labada dal loona daayo in iyagu heshiis ka gaadhaan.
Dhinaca kale wakiilada Kenya waxay xuseen in Kenya ay joojisay dhaqdhaqaaqii ay ka waday xudeed badeedka lagu muransanyahay.Labada dhinac ayaa maanta fasax ah,waxaana dib la isugu soo noqonayaa maalin Jumcaha ah oo wakiilada Somalia jeedin doonaan doodii ugu danbaysay.
Cabdiraxman Jiisow liked this on Facebook.
Khadar Ibnu Cabdi liked this on Facebook.