Dowladda Kenya ayaa la baxday Safiirkii u joogay Soomaaliya waxa ayna 24 saac u qabatay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Ambassador Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Lama oga waxa sababay arintaan iyo go’aanka deg dega ah ee dowladda Kenya, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ay Salka ku heyso aringa Badda.
Hase yeeshee War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibada dowlada Kenya ayaa loogu yeeray safiirka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya, Lucas Tumbo.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in safiirka u fadhiya Soomaaliya ay wax ka waydiineyso shirkii London ee dowlada Somalia ay ku soo bandhigtay kheyraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, ayaa xusay in Soomaaliya ay dunida u bandhigtay shidaal ku jira qeyb kamid ah dhul badeedka ay isku heystaan labada dal.
Mr Kamau ayaa intaasi ku daray in shirkii London ee lagu soo bandhigay shidaalka Soomaaliya, uu saameyn ku yeelan karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.
Illaa iyo haatan ma jiro wax jawaab ah oo ay DFS ka bixisay go’aanka kasoo baxay xukuumada Nairobi.