Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha JFS Maxamed Cadulahi farmaajo ayaa gaaray magaalada Sahrma Sheikh halkaas oo ay kaga qeybgalayaan Shirka Ganacsiga ee wadamada dhaca qaarada Afrika.
waxaana Wafdiga madaxweynaha jfs ka mid ah marwada kowaad ee dalka Zaynab Cabdi Macalin iyo Wasiirka Arimaha dibadda, qorsheynta iyo iskaaahiga caalamiga
XFS iyo mudnayala katirsan barlamaanka federaalka.
Ujeeda socdaalka madaxweynha jamhuuriyadda ee dalka Masar ayaa ah kaqeygalka shirka caalamiga ee ganacsiga Afrika kaas
oo laga hadli doono maalgashiga qaarada, abuurista shaqooyin dhalinyarada kunool qaarada afrika iyo arrimo kale oo quseeya Hormarinta Bulshada Afrika.
Dolwadda Soomaaliya ayaa wafuuda shirkan oo isugu jira madaxda ,ganacsato dolwadaha Afrika iyo maalgashadayaal caalamka oo idil kasocda ayey hordhigi doonta fursadaha maalgashi ee kajira dalkeeda