Home Afsomali VIDEO Madaxweynaha somaliland oo cafisu fideyey maxabiis oo ku jir xabsiyada somaliland

VIDEO Madaxweynaha somaliland oo cafisu fideyey maxabiis oo ku jir xabsiyada somaliland

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu goordhaw soo saaray cafis Madaxweyne ugu fidiyay in ka badan 570-Maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada kala duwan ee maamulka Somaliland.

Maxaabiistan uu cafiska u sameeyay Madaxweynaha Somaliland ayaa ah Maxaabiista galay  dembiyada aan aadka u cuslayn ,waxaana xabsiyada kusii jiri doona Maxaabiista loo heesto dambiyada culus sida dilalka iyo falalka argagaxiso.

WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Cafis

 

Markaan Arkay:                  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

 

Markaan Arkay:                  Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey:          Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/138/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan Arkay:                  Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/72/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan La-tashaday:        Hay’adaha Ay Khusayso;

                                                                        Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.