https://youtu.be/A9MapGDBPBY
Mid ka mid ah maxaabiis ku xirneyd xabsi ku yaal magaalada Berbera ayaa geeriyooday kadib markii uu is daldalay, iyadoo maxbuus kale oo xaalad adag ku jira laga soo furay xarigii uu isku daldalayay.
Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale la soo badbaadiyay maxbuus kale oo isagana doonayay inuu is daldalo balse laga gaaray intii aysan naftu ka bixin.
Maxbuuska is daldalay ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Waceys Aadan halka mid kale ee la badbaadiyayna la yiraahdo Cabdi Cali Xaashi. Lama sheegin sida ay ugu suurtogashay maxaabiistan inay helaan qalab ay isku daldali karaan.
Wasiirka cadaalada maamulka Somaliland ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay is daldalaada ayna saxaafada u soo bandhigi doonaan.
Xabsiyada ku yaal maamulka Somaliland ayaa la sheegaa in maxaabiista ku xiran ay duruufo adag ku nool.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0