Home Afsomali VIDEO Munaasabad lagu xusayay maalinta Macalinka Somaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu qabtay

VIDEO Munaasabad lagu xusayay maalinta Macalinka Somaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Kulanakaan oo ahaa mid aad u balaaran isla markaana looga arinsanayey tayeynta Warbarashada iyo qiimaha uu bulshada ku leeyahay Macalinka ayaa waxaa ka qeybgalay Qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumada Somaliya xildhibaanada labada aqal Gudoomiyaha Jaamcada umadda hey,ado heer caalami ah danjirayaal bahda waxbarashada aqoon yahano saraakiil ciidan fanaaniinta Kooxda iftin ee wasaarada waxbarashada  iyo marti sharaf kale  .

Qaarka mid ah masuuliyiintii ka hadashay ayaa ku dheeraaday Sharaxaada iyo faafiidada ay leedahay in wax la barto waxayna ku booriyeen in loo baahan yahay tayeynat macalinka iyo sare u qaadida waxbarashada dalka si loo helo bulsho aqoon durugsan leh

Wasiirka Wasaarada waxbarashada Cabdiraxman Daahir Cusman oo shirka soo gabagabeeyey ayaa sheegay  macalimiita dugsiyada waxbarashdu  27 sano ka dib ay helayaan mid la mid ah Mushaarka iyo Gunooyinka ay qaataan Shaqaalaha dowlada wuxuuna xusay in ay wadamo hor leh wasaarada waxbarashadu  ka heshay deeqo waxbarasho fursadaasna si cadalad ah shacabka ugu qeybin doonaan

Xildhibaan Cali Cismaan (Cali Jowhar) gudoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka iyo Senator Zamzam Daahir Maxamed oo ah Xogahayah guud ee guddiga  arrimaha bulshada Aqalka sare ayaa balan qaaday in ka Baarlaman ahaan ay ka shaqeynayaan dib usoo celinta qiyamkii ay lahaayeen Macalimiinta Soomaaliyeed

21-ka November ayaa loo asteeyay inay noqoto Maalinta Macalinka Soomaaliyeed sanadkii 1974-kii waxaana Sanad walba maalintaa laga xusaa gudaha dalka iyadoo lagusoo bandhigo duruufaha adag iyo caqabadaha horyaala Macalimiinta Soomaaliyeeed iyo sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo

wasaarada waxbarasha ayaa hirgalisay iskuulo lacag la,aan ay ku dhigta in ka badan sodon kun oo arday waxayna Maagaalada  Muqdsho ka furtay dugsiyo hoose dhexe iyo sare oo lacag la.aan Muuse Macalimiinta oo helayo Wasaarada waxbarashada oo sheegtay macalimiita dugsiyada waxbarashdu  27 sano ka dib ay helayaan mid la mid ah Mushaarka iyo Gunooyinka ay qaataan Shaqaalaha dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.