Home Afsomali Ciidamada dowlada oo siyaabo kala duwan ugu dagaalamay qeybo ka mid ah...

Ciidamada dowlada oo siyaabo kala duwan ugu dagaalamay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho sii Aqri waxa ay isku heystaan ee dagaalka dhaliyey

xaafada si iskeed ah uga sameysantay safaaradii  ameerikaankaee loo yaqaanay siliga amaaricaanka oo waayadaanba guryo laga dhisanayey oo ku taal dag mada wadajir Ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo kuwa militiri ah ay ku dagaalameen Xaafadaasi,iyadoona sidoo kale dagaalka ay qeyb ka yihiin Dadka deganka Xaafadaas.

Sida la sheegay in ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa weerarka ku soo qaaday ciidamo militir ah oo degan xaafada siliga Ameerikaanka ah,iyadoona khasaaro uu ka dhashay dagaalkaasi.

Sababta dagaalkan ka dambeysay ayaa waxa lagu sheegay inay tahay kadib markii ciidamo ka tirsan dowlada ay mudooyinkii dambe ay wadeen sidii shacabka ku nool xaafada siliga ameerikaanka ah ay ugu guurin lahaayen xaafadaasi,iyadoona taasi ay ka biiyo diideen ciidamo militiri ah oo ku sugan goobta uu dagaalka ka dhacay,sida sheegeen dadka degaanka ah.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada ay bilaabeen bur-burin ay ku sameynayaan guryaha ay deganyihiin shacabka ,islamarkaana loo qabtay mudo saacado ah,si ay halkaasi ugu guuraan.

Midka ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee Weerarka lagu soo qaaday oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa sheegay in Ciidamo boolis ah ay weerarka ku soo qaadeen,islamarkaana ay iska caabiyeen ciidamada militiriga soomaaliya.

Sidoo kale Ruux goobjooge ah oo ku sugan isla xaafadda siliga Ameerigaanka ah ayaa xaqiijiyay in dagaal xoogan oo dhexeeya ciidamo kawada tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamada militiriga,islamarkaana dadka shacabka ee ku nool xaafada silika ameerikanka ayaa cabsi fara badan soo wajahday.

dhanka kale Wararka naga soo gaaraya isgooska sanca ee dhanka degmada yaaqshiid ayaa maanta waxaa dagaal culus uu ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan kuwa Xasilinta Caasimada Muqdisho,waxaa lagu soo waramayaa in kharaaso uu ka dhashay dagaalkaasi.

Inta la xaqiijiyay in labo askari oo ka tirsan kuwa dagaalamayay ayaa ku dhinta,inkastoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah.

Goobjooge ku sugnaa goobta ay ku dagaalameen ciidamada kawada tirsan Dowlada federaalka Soomaaliyay ayaa  sheegay in mudo saacado ah ay dagaalamyeen labada ciidan ee kawada tirsan xasilinta caasimada muqdisho.

Waxaana la sheegay in labada qori laga qaatay labada askari ee ku dhintay dagaalka u dhexeeyay ciidamada Xasilinta caasimada ee Muqdisho.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay in labadan ciidan ay ku dagaalamaan isgooska sanca ee magaalada muqdisho.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa uu dagaal ku dhexmaraa ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya,iyadoona khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka Shacabka ah.

Madaxda Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay ka codsadeen inay wax ka qabtaan  Ciidamada ka socda dowladda ee xaafadahooda bur burinta ku haya, iyaga oo tuhmaya in xildhibaano ay  ka dambeeyaan Arintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.