Home Afsomali VIDEO Musharax U Taagan Jadada Madaxweyne Ee Hir Shabeele Ayaa Sheegay Inuu...

VIDEO Musharax U Taagan Jadada Madaxweyne Ee Hir Shabeele Ayaa Sheegay Inuu Isbadal Samayn Doono

Musharax Maxamed Caruush Diirow oo soo Bandhigay wax qabadkiisa siyaasadeed balan qaadyane sameeyey

Mushrax madaxweyne Maxamed Caruush Diiroow oo ah shaqsi U heelan una taagan jagada madaxweyne nimo ee dowlad goboledka hirshabelle ayaa sheegay inuu yahay hogaamiye doonaya is bedel siyaasadeed oo ka hanaqada degaanada mamulka hirshabelle,

waxqabadkiisa siyaasadeed ayuu ku sheegay inuu ku dhisnaan doono la tashiyo texgelin uu u sameeyo xildhibanada barlamanka hirshabelle iyo soo celinta amniga dib u heshiisiin iyo horumar dhaqaale iyo qaadista jid gooyooyinka iyo xal u raadinta colaad beeleed yada kusoo laalaabtay degaanada hirshabelle oo uu balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono arimahaasi,

musharaxa ayaa wacad ku maray inuu sameyn doono isbedel dhab ah oo xilligan uu u baahan yahay mamulkan uuu doonaya in uu ku hogaamiyo dariiq toosan

 Maxamed Caruush Diiroow  musharaxa madaxweyne waxa uu hoosta ka xariiqay baahida hirshabelle inay tahay in ay bulshadu hesho kala dambeynta cadaalad iyo dib u heshiisiin dhab taasina uu xog badan uu u haayo madaama uu usoo joogay tan iyo dhismihii mamulka muddo labo sano ah,

Murasharax Maxamed Caruush Diiroow  ayaa mid mid u dul istaagay tiirarka ugu muhiimsan ee wax qabadka uu la imaan doono

loolanka iyo galaan galka siyaasadeed ee hirshabelle ayaa u muuqda mid sii lexaad sanaya maalinba maalinta ka dambesa iyadoo musharax maxamed caruush dirow uu talada ku sheegay inay ku dhisnaan doono danaha shacabka hirshabelle

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.