Munaasibadaan oo aheyd mid lagu casuumay wafdi dhaqanka ee isimada Puntland oo uu hogaaminayey islaan bashiir islaan cabdule islaan faarax ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah xildhibaanada labada gole saraakiil xubno ka socday XFS madaxda dhaqanka aqoon yahano ganacsato nabadoono siyaasiyiin barbaarta gaashaaman dhalinyaro haween iyo marti sharaf kale
Islaan bashiir ayaa lagu soo galbiyey kolonyo gaadiid ah iyo fardo dheereeya ilaa xarunta maamulka dagmada dayniile ee magaalada Muqdisho
waxaana hareer socday janaraal Cabdulaahi gaafow Maxamuud janaraal bariise ugaas Cabduqaadir ugaas xaashi faracade iyo gudoomiyaha dhaqanka soomaaliyeed nabadoon Maxamed Xasan Xaad
masuuliyiintii madasha ka hadashay ayaa ku dheeraaday ka falanqeynta dhaqanka soo jireenka ah somalidu ab iyo isir u leedahay gogosha isinka loo dhigayna ay tahay mid ka duuleysa walaaltinimadii bulshada weligeed lahaan jirtay
Gabagabadii ayaa islaanka iyo wafdigiisa la gudoonsiiyey hadiyado qaali ah oo uu ku jiro faras baxdoy ah oo lagu magacaabay xiin faniinkii dagmada dayniile