Home Afsomali VIDEO Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay Sanad-guurada 74aad ee Ciidanka...

VIDEO Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay Sanad-guurada 74aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ( DAAWO SAWIRADA )

December 20, 2017–Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay sannad-guurada 74-aad ee aas-aaska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhammaan Taliska iyo qeyaha ciidamadda Booliska munaasabadda 20-ka December awgeed.

Mudane Khayre waxuu tilmaamay muhiimadda ay ciidanka Booliska u leeyihiin Qaranka islamarkaana ku amaanay sida geesinimada leh ay u gudanayaan waajibaadkooda. Isagoo ubax dhigay taallo loo sameeyey askartii ku shahiiday falkii argagixiso ee dhowaan ka dhacay dugsiga tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Taliska iyo heerarka kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aan maanta u dabaal dagayno sanadguuradii 74-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa hooyadda dhammaan ciidammada kala duwan ee Soomaaliya leedahay”.Ayuu yiri RW Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Boolisku yahay halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, isagoo ugu baaqay inay laban laabaan waxqabadkooda, ayna feejignaadaan har iyo habeenba, si looga hortago dhagarta caddowga, loona baajiyo dhiiga shacabka oo ay kooxaha nabadiidku sida micno darida ah u daadinayaan.

Waxaa goob joog ka ahaa munaasabadda xubno ka tirsan labada gole, gobolka Benaadir, saraakiil, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo halkaasina lagu soo bandhigey gaade ka ciyaar qurux badan oo sameynayeen ciidanku.

6Z0A0828
6Z0A0838
6Z0A0858
6Z0A0880
6Z0A0904
6Z0A0993
6Z0A1006
6Z0A1160
6Z0A1266
6Z0A1347
6Z0A1542
6Z0A1633
6Z0A1679
6Z0A1693
6Z0A1695
6Z0A1748

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.