Shirkada isgaarsiinta hormuud Qeybteeda taakuleyta bulashada ayaa maxaabiista ku xiran xabsiga dhaxe gaarsiisay raashin ay ka dhigtaan afur iyo saxuur 5 Neef oo geel ah iyo dharkii ciida
Munaasibada uu kula wareegayey taliyaha ciidanka Asluubta oo ka dhacday afaafka hore ee xabsiga ayaa waxaa ku wareejiyey gudoomiyaha heya,dda hormuud foundation Cabdulaahi nuur Cusmaan taasi uu ka mahadceliyey Taliye Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir goobe
dhinaca kale hormood telecom qeybteeda gargaarka ayaa deeq lacageed iyo agab kale gaarsiisay ciidankii ku naafoobay dagaalkii 77 ee xooga dalka Somaliyeed .
gudoomiyaha shirkada hormuud foundation cabdulaahi nuur Cusmaan ayaa ku wareejiyey deeqda ciidanka naafada xooga dalka waxaana ka mahadceliyey afhayeen u hadlay naafada sidoo kalena waxaa goobta ka hadashay gudoomiyaha haweenka Gobolka banaadir jawaahir baarqab oo baaqyo kala duwan u dirtay madaxda dowlada ganacsatada iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay









