Home Afsomali VIDEO ururka haweenka qaranka soomaaliyeed oo gobolada dalka u kala direy Haween...

VIDEO ururka haweenka qaranka soomaaliyeed oo gobolada dalka u kala direy Haween bulshooyinkaas wacyi galin u sameeyo

Tababar ku saabsanaa Xalinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta Beelaha Soomaliya oo Muqdisho loogu soo Xeray Guddi ka tirsan Haweenka Qaranka Soomaaliya

Shan xubnood oo  ka tirsan ururka haweenka qaranka somaliya  ayaa maanta loosoo xeray tababar ku saabsana xalinta khilafaadka iyo nabadeynta beelaha soomaaliyeed kuwaasi oo ka tirsdan gudiyo loo xilsaaray sidii ay uga shaqeyn lahaayeen baahinta nabada waxaana loo tababaray in ay gaarsiyaan barnamijka nabad iyo nolol oo uu horay ugu dhawaaqay madaxweynaha jamhuriyada somaliya maxamed cabdulahi farmaajo haweenkan tababaraka ayaa ka howlgali doona degaanada shanta maamul goboled ee dalka ka jira

Masuuliyiin ka tirsan ururka haweenka qaranka soomaaliya madax ka socota qaramada midoobay qeybta horumarinta haweenka iyo dhalaanka  ayaa xeritaanka tababarka kasoo qeyb galay

Shikra boss oo ah haweeney u qaabilsan qaramada midoobay arimaha haweenka ayaa hambalyo udirtay haweenka qaranka somaliya guulihii ay kasoo hoyeen howlaha ay ka qabtan magalada muqdisho

Gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka qaranka somaliya marwa madiina maxamed warsame oo shir jaraaid ku qabatay xafiisked ayaa faahfaahisay qaabka ay u howlgalayaan gudiyada shanta ah ee laga soo dhex xulay haweenka qaranka somaliya.

Ururka haweenka qaranka somaliyed ayaa magalada muqdisho ka sameyay howlo muuqda waxana ay sheegen inay ka qeyb qaadanayaan horumarka dalka

Previous articleFull VIDEO R/wasaare Kheyre waxaa la gaaray heer shaqaalanimada dowlada lagu faani karo waxaana la isku raacay tayeyna iyo tirinta shaqaalaha iyo siinta xaquuqdooda
Next articleDhageyso Sanoter Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex xoolihii dalku lahaa waxay ku maqan yihiin …..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.