Home Afsomali VIDEO Wasiirka Gaashaandhiga dadka laayey Waa Alshabaab Taliyaha Milatariga Shacab ayaa la...

VIDEO Wasiirka Gaashaandhiga dadka laayey Waa Alshabaab Taliyaha Milatariga Shacab ayaa la laayey waana ka Tacsiyeynaa

https://youtu.be/igWRVsIjpls

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay degaan u dhow Bariire ay ka  fuliyeen ciidamada dawladda howgalo lagu laayey Xubno ka tirsan alshabaab.waxayna saakiisha  dowladu xaqiijiyeen inay ku dhinteen 10 qof.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay inay dadkaasi hubaysnaayeen isla markaana ay rasaas fureen.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Janaraal Axed Jimcaale Cirfiid Ayaa Xaqiijiyey In falkii Ka dhacay Deegaanka Bariire Lagu dilay Dad Shacab somaliyeed ah wuxuuna intaa ku daray in Horey ay xubno ka tirsan Dowlada ay shaaciyeen  in howlgal ka dhacay Bariire lagu laayey   xubno ka tirsan Alshabaab .

Masuuliyiinta dowlada iyo Gudiga Difaaca Baarlamaanka ayaa laga dalbaday in ay  Mooshin ka keenaan arinta isla markaana Magdhow in la siiyo ehelada Muwaadiniinta la xasuuqay

Shirkada Bancraft ayaa beenisay in ay howlgalkaa ka qeybqaateen ciidankoodu waxayna sidoo kale sheegya in laga been abuurtay oo aanay wax lug ah ku laheyn dadka lagu laayey deegaanka bariire

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray, isagoo dhinaca kale kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo’’ ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.
Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira gaaridda doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.