Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Gaarey dalka Ethiopia
Wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo Raiisul Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Addiss Ababa. Weftiga oo casuumad rasmi ah ka helay Raiisul Wasaaraha Ethiopia ayaa kulamo la leh RW Abiy Ahmed iyo Madax ka tirsan midowga afrika
Wafdiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya,waxaana garoonka sidoo kale kasii sagootiyey Xubno isugu jira xildhibaano iyo Wasiiro
waxaa halkaasi uga sii horeeya oo safar qarsoodi ah ku tegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyeen La Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin