Home Afsomali VIDEO Xildhibaankii Mooshin Keena waa in la garaacaa !!!!

VIDEO Xildhibaankii Mooshin Keena waa in la garaacaa !!!!

Sheekh Nuur Baaruud oo ka mid ah Culimada taageersan dowladda Soomaaliya ayaa ka digay mooshin laga cabsi qabo in laga keeno Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo hadal heynta ku saabsan mooshinka suuqa la soo geliyay.

Sheekh Nuur Baaruud oo xalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday Xarunta Gen. Kaahiye ayaa sheegay in aanay aqbali doonin mooshin dambe.

“Diyaar uma nihin mooshin dambe, dadka waxay ku sheekeystaan cadaw ayaa soo abaabulay, waxaa u sheegeynaa,Ilaahey magaciisa ayaan ku dhaartaye maalinta waxaas aan aragno aniga iyo Shacabka Soomaaliyeed iyo intii ila qabta fikirkaas inaan ugu galeyno meelaha ay joogaan oo aan garaaceyno.”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud

Inkastoo aan wali Baarlamaanka la horkeenin wax mooshin ah, hadana warka ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud oo ka mid ah Culimada ku milmay siyaasada dowladda ayaa ah mid layaab ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xukuumadda ay wado barnaamij kicin bulsho oo ay ugu dan leedahay inay kaga hor-tagto hadii Mooshin uu kaga yimaado Baarlamaanka, waxaana durbaba laga dareemay xafladaha qaar oo khudbadaha ay jeedinayaan qeybaha bulshada ay ku soo hadal qaadayana arrinta mooshinka iyo sida ay u diidan yihiin.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhowaan sheegay in aanu jirin mooshin la wado xilligan, hase ahaatee ay dhici karto, marka la xisaabtan uu ku yimaado Xukuumadda bilaha soo socda.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xilligan laga keeni karin wax mooshin ah, maadaama ay afar bilood jirto, sida uu qabo Dastuurka waxaa Mooshin laga keeni karaa muddo lix bilood kaddib, marka ay codka kalsoonida ka hesho baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.