Home Afsomali Waa in la helaa Garsoor Cadaalad ah RW Xamse Cabdi bare !!!!!!!!!

Waa in la helaa Garsoor Cadaalad ah RW Xamse Cabdi bare !!!!!!!!!

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey horumarinta Caddaaladda iyo Garsoorka dalka, kaas oo ay ka soo qeyb galeen Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha garsoorka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay fulinta go’aamada ka soo baxa Maxakamdaha dalka oo ay fuliyaan Booliska iyo sidii ay dhinacyadu si dhow ugu wada shaqeyn lahaayeen, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan garsoor madax-bannaan oo hufan.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu lafa-guray ahmiyadda ay leedahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo shuruucda caddaaladda dalka, si loo waafajiyo hannaanka federaalka ee uu dalka qaatay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta caddaaladda dalka oo udub-dhexaad u ah horumarka la hiigsanayo iyo wadajirka bulshada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Amniga Gudaha, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran, Taliyaha Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.