Home Afsomali Drs Waa tuma Luul Maxamed Sheikh Cismaan

Drs Waa tuma Luul Maxamed Sheikh Cismaan

Luul Maxamed Sh. Cusmaan waa shaqsi muhiim ah oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed, laguna yaqaanno xirfad, aqoon, iyo dadaal ballaaran oo ku wajahan horumarinta iyo dib-u-dhiska bulshada iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxay dhalatay iyadoo uu aabaheed ahaa Dowlada yaqqan Wasiirkii Maaliyadda Dowladdii Maxamed Siyaad Barre, taasoo u horseeday waayo-aragnimo qoto dheer oo dhanka maamulka iyo siyaasadda ah.

Dabayaaqadii 1993, waxay ku soo laabatay dalka iyada oo weli da’yar ah, isla markaana leh aragti iyo himilo Drs Luul M Sh Cismaan waxaa lagu yaqaanaa degganaan, daacadnimo, iyo ixtiraam. Waxay marar badan si naf-hurnimo leh ugu adeegtay beelweynta Karanle, gaar ahaan Murusade, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyada oo ka faa’iideysatay xirfaddeeda iyo aqoontaheeda.
Drs Luul Mohamed Sh Cismaan waxay magaalada ka hirgelisay Ganacsi kala duwan
Sanadkii 2017, waxay u tartantay kursiga Senatorka oo ay ku muujisay aragti iyo hami sare oo ku wajahan siyaasadda iyo hoggaaminta. Waxay kaloo door weyn ka qaadatay shirarkii dib-u-heshiisiinta iyo dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, Luul waxay garab weyn siisay dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Bulshada Gobolka Banaadir iyo guud ahaan Soomaalida, waxay Drs. Luul M Sh u arkaan hoggaamiye karti leh oo loo hanweyn yahay, iyadoo lagu xasuusto saameynteeda wanaagsan ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta bulshada, iyo dib-u-heshiisiinta qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.