
Waxaa xalay xaflad ka dhacday madaxtooyada uu madaxwaynaha abaal marino iyo bilado sharaf siiyay dadkii ka qayb galay ama kaalin muuqata ka geestay diyaar garowgii iyo maamuskii maalmihii xuriyada waxaana meesha iiga muuqday in lagu casuumay warbaahin magac u yaal ah oo aan waxba ka qaban lkn tiyaatarka kaliya tagay kuwaasi oo xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada casuumeen hadaba yaa xaq u lahaa.
Waxaa xaq u lahaa warbaahintii har iyo habeen u taagnayd soo bandhigida maalmaha xuriyada samaynta suugaano iyaga u gaar ah oo maalmaha xuriyada loogu tala galay oo TV yo u guddigii diyaar garowga har iyo habeen shuruud la,aan ula shaqeenayay ilaa maalintii ugu dambeysay ee madaxwaynaha xariga garoonka ka jaray masfac nagu soo dhacay dhib badana aan soo marnay lkn shaqadeenii abaal marinteedii dad aan xaq u lahayn ayaa lasiiyay waana cadaalad darro.
Hadaba waxaa ay ahay in wasiirada Cayaaraha Khadiija Diiriye
Fillipin Cadde ay u doodo oo sheegto warbaahinta Sportska ee maalin kasta la shaqeenaysay ilaa maalinkii ugu dambeysay in ay xisabata ku darsato oo lagu abaal daroon marka ay shaqada dhamaato.