Home Afsomali WAAN YAABBANAHAY !! ADIGU MA I MAQASHAY ?  HADDAAD I MAQASHAY...

WAAN YAABBANAHAY !! ADIGU MA I MAQASHAY ?  HADDAAD I MAQASHAY XAALADDAYDA SII GUDBI  HADDAAD RABTO!!!

Si degdeg ah ayaan hurdo uga toosay

!!

 Waxan arkay iftiin iga yaabiyey

 Waxan is iri iftiinka qolka ayaa maanta wareersan oo nooc kale ah,

 Waxaan arkay in ay saacaddy tahay 3 iyo bar gelinkii dambe ee habeenimo

 Laakiin waa yaabe waa maxay iftiinkan waaba habeene ?

 ————

 Waxan naxay markaan arkay gacanteyda oo kala bar derbiga ku dhex jirta,

Waan kala soo booday anoo ka argagaxsan oo waan fiirfiiriyey,

 Mar kale ayaan derbigii bal ku celi is iri, saa wayba gashay mar labaad oo dalaq tiri,

Bismillaaah, side wax u jiraan ?

 ————–

 Waxan maqlay cod qosol ah !!!

 Waan fariistay dhinacyadaanna eegay, waxayna ishaydu qabatay walaalkey oo lu hurda Sariirtiisii, waan ka istaagay anoo cab-cabsanaya, toosi

baan maagay walaalkay laakiin ilamaba hadlayo, bismillaah waa maxay waxani !

 Waxan aaday qolkii hooyadey,  aabbe baan kici maagay maba ila hadlayo isna !

 Waan yaabbanahay, waxan rabi lahaa in qof  mar uun mar ila hadlo oo aan weydiiyo sida wax yihiin laakiin maba la ii jawaabayo !

 Hooyo ayaan xaggeeda u dhaqaaqay si aan u kiciyo, laakiin intaanan gaarin bay si aan caadi ahayn u soo boodday, oo toostay laakiin ilama

hadlayso

 Bisinka ayey ku celcelisay iyadoo anfariirsan, aabbe ayey kicisay iyadoo leh war ka toos ! war ka toos meesha, oo kaalay aan carruurta soo eegnee,

 Aabbena asagoo la yaabban buu yiri naa naga seexo maahan waqtigeede waa saq dhexee, waagiiba waa dhawyahee balaayo ma jirto inshaa allaahuye !!

 Laakiin markii ay ku celcelisay ayuu kacay isagoo dhibsanaya oo aad u hurdaysan wayna is raaceen,

 anigu markaa waxan billaabay inaan ku qayliyo hooyooy !!  aabboow !!, miyeydnaan ii jeedin,  laakiin maba la ila hadlayo.

 Hooyo ayaan marada ku dhegey bal si ay ii maqasho laakiin maba dareemayso in wax ku dheggenyihiin !

 Waan iska daba socdey ilaa qolka jiifka, qolkii bay galeen, nalalkii bay shideen laakiin aniga nalalkii ay shidayeen wax iftiin ah iima kordhin waayo

markii hore ayeyba maalin ii ahayd, markaa aad baan u naxay markaan arkay waxyaabahaas aan caadiga ahayn oo dhacaya.

 Waxan arkay qof aniga ii eg oo sariirtaydii ka muuqda, haaaaaaaa wallaahi waa aniga, saa anigii baa hoos isu fiiriyey bismillaah wallaahi 2 qof ayaan noqday, waxan is iri waa kuma qofka meeshaada jiifa ee kuu eg adigii waa ku kane, welwel kii hore ka badan baa la igu soo tuuray, bismillaahi raxmaani raxiim !!

 Waxan billaabay inaan korkayga dhar-dharbaaxo bal si aan hurdadan riyada ah uga tooso laakiin waxba ma aanan ka ka kicin oo isla sidaydii un baan  iska ahay ,  Acuudu billaaaah.

 Aabbe ayaa hooyo ku yiri naa na keen waa kuwaas ilmuhu waa jiifaan oo balaayo  ma jirtee, laakiin hooyo kuma qancin oo qofkii meeshayda jiifay bay inay toosiso billawday, iyadoo leh maxamed, maxamed! War ka kac maxamed,.. laakiin maba lala hadlayo, bismillaah war qofku muxuu ahaa isku kay ekaysiiyey ma jinni baa?? !

 Way ku celcelisay waxanse mar qura arkay aabbahay oo ilmadu ka daadanayso, waa aabbahaygii calool adaygga badnaa oo aanan weligay illintiisa arag oo ooyaya !!

 ooyin iyo buuq baa meeshii oo dhan qabsaday, walaalkay baa qayladii ku toosay oo yiri war maxaa jira, war waa maxay, maxaa dhacay?

 Hooyadey ayaa tiri iyadoo qaylinaysa: walaalkaa waa dhintay, maxamed wa dhintay, iyadoo calal illinta isaga tirtiraysa.

 Buuqii iyo sawaxankii ayaa kor u kacay, hooyo ayaan u tegey oo ku iri:

Hooyo ma aanan dhiman, hooyo waa i kane ha ooyin, maxaad la ooyeysaa sownigan kula jooga oo kula hadlaya, wallaahi waa i kan hooyo , i soo fiiri hal mar hooyo, kaas meeshayda jiifa aniga maaha, aniguba sidaad u aragtiin baan u arkaa, waa balaayo kale hooyo !

 Laakiin yaaba mar qura i soo deyaya ?

 Markaas baan qaylo iyo ooyin isku daray, war waa i kaneey, war waawareey war waan joogaayeey, i soo dayaay,

 Laakiin khalaas lagama yaabo in ruux keliya i dareemo !

 Waan iska fariistay anoo leh ilaahooow, rabbiyooow hurdadan baas iyo riyadan aan ku jiro iga kici oo caadi iga dhig.

 ————————–

 Intii sidaan aan ahayn un baan si lama filaan ah u maqlay cod meel fog ka imaanaya oo tartiib-tartiib u soo siyaadaya ilaa aan maqlay aayaddan qurï؟½aanka:

ï؟½ï؟½ï؟½ ï؟½ï؟½ï؟½ ï؟½ï؟½ ï؟½ï؟½ï؟½ï؟½ ï؟½ï؟½ ï؟½ï؟½ï؟½ ï؟½ï؟½ï؟½ï؟½ï؟½ï؟½ ï؟½ï؟½ï؟½ ï؟½ï؟½ï؟½ï؟½ï؟½ ï؟½ï؟½ï؟½ï؟½ï؟½ ï؟½ï؟½ï؟½ï؟½ï؟½ ï؟½ï؟½ï؟½ï؟½

 oo micnaheedu ahaa: (Gaflo ama moogannimo ayaad ku jirtee waan kaa faydnay daboolkii ku saarraa, araggaaguna maanta waa sida xadiidka)

——————

Anoo weli sii dhegeysanaya qurï؟½aankii ayumbaa 2 qof ila boodday laakiin dadba uma eka , bismillaah waan argagaxay, waxan billaabay inaan ku qayliyo war i daaya , war i sii daaya, maxaa igu kiin dhejiyey, maxaad tihiin oo maxaad iga rabtiin?

 Waxay yiraahdeen, waxaan nahay waardiyahaaga ilaa qabrigee.

 Waxan iri anigu ma dhiman, anigu waan noolahay, maxaad qabri ii geynaysaan, i sii daaya, war isii daaya, ma i qasbaysiin !

 Aniga waad ii jeediin inaan caadi ahay , oo aan idin la hadlayo, oo aan idin arkayo, oo dareenkaygu dhanyahay !!

 Waxay ku jawaabeen iyagoo dhoolla caddaynaya:

 Yaab baad leedihiin ibni aadamow waxad mooddey in ay geeridu tahay dhammaadka nolosha, oo ma ogidin in intaad dunida joogtiin aad ku nooshihiin riyo gaaban oo aad ka baxaysaan riyadaas gaaban markaad dhimataan !

  ———–

Way i sii wadeen xaggii qabuuraha ayey ii sii jiideen,

 Intii la i sii wadey ayaan dariiqa ku arkay dad ooyaaya, kuwo qoslaaya iyo kuwo qaylinaya, qof kastana 2 dan i wadda oo kale ayaa wadda !

 Labadii i waddey ayaan ku iri oo dadkaasna maxay yihiin?

 Waxay yiraahdeen dadkaas qof walba wuu yaqaannaa meesha loo wado, waxaana ka mida kuwo baadi ku joogey dunidii oo ï؟½

 intii ay hadalka wadeen ayaan ka dhex galay aniga oo welwelsan oo iri:

Yacni naartaa la geynayaa miyaa?

 Waxay yiraahdeen HAA.

 Hadalkii bayna sii wateen oo yiraahdeen: kuwa qoslayana jannadaa loo wadaa.

 

Si degdeg ah ayaan suï؟½aal ugu celiyey: Anna xaggaa la ii wadaa?

 Waxay yiraahdeen: adigu waad iska fiicnaan jirtey laakiin marmar ayaa sheydaanku ku heli jirey.

 Hadalkii baan ka kala gooyey: Yacniiiii ma naartaa la ii wadaa?

 Waxay iigu jawaab celiyeen: Naxariitsa alle waa waasac, safarkuna aad buu u dhirir badanyahay !

 ———————–

Waan jeestay oo dhinacyadayda eegay, waxaanna arkay ehelkaygii, aabbahey, adeerkay, walaalahay, qaraabadeydii oo dhan oo sida naxash,

 waxan ku iri : war ii duceeya, war ii duceeya waa la igu dhegganyahay maantee, yaaba ila hadlayaba waxay u qaybsanaayeen kuwo ooyaya, kuwo tiiraanyeysan ï؟½.,  walaalkey baan ku iri:

 iska jir oo ka digtoonow adduunyada iyo fitnadeeda yeysan ku sirin

 waxan jeclaystaa in ay i maqlaan ciil badanaa yaase i maqlaya, labadan I wadda wax aan ahayni ima maqlayaan.

 Labadii malak waxay ii jiideen xaggii qabriga waxayna i dhex geliyeen jasadkeygii aan maanta dhan la yaabbanaa siduu iigu ekyahay

 Waxan u jeeday aabbay oo korkayga ciid ku soo shubaya , iyo walaalahay oo igu soo qufaya ciid fara badan, iyo dadkii oo dhan oo badeello la wada booday, bismillaah, allow i samata bixi maanta.

 —————

 Waxaan aad u jeclaystay inaan maanta iyaga la joogo adduunyada, si aan u tawbad keeno, salaadda u badiyo, oo aanan afkayga duco iyo alla

bari uga qaadin, welibana aanan dad dambe la sheekaysan,

Waan iska qayliyey war dadoooooooow, hurdada xun ka kaca oo yaan adduunyo idin sirin idinkaa maanta jaanis haystee, aniga waa ii jeeddiin

meesha aad i dhigteen iyo halka aad iiga tegeysiin, oo aanan mar dambe is arkeyn.

Waxan jeclaysanayey inay i maqlaan yaase i maqlaya albaabkaa noo kala xirmay ?

 ——————

ADIGU MA I MAQASHAY ?

 HADDAAD I MAQASHAY XAALADDAYDA SII GUDBI  HADDAAD RABTO!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.