Home Afsomali Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo u xiran kuraasta baarlamaanka ee la kala boobayo

Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo u xiran kuraasta baarlamaanka ee la kala boobayo

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa saaka xiran waddooyinka qaar ee muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo u diidaya in Gaadiidka iyo dadka intaba ay maraan.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah dhamaan wadada dheer ee hormarta degmooyinka, Xamarweyne, Xamar Jajab, Waaberi wadadaas oo loo diidayo inay Gaadiidka isticmaalaan.

Ciidamada ayaa meelaha qaar u diidaya inay xataa dadka u gudbaan xaafadaha degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir.

Sababaha xeritaanka wadada ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ay kajirto doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

Xernaanshaha waddooyinka muhimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay kadib markii Todobaadkii hore Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho uu ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa beegsaday Gaadiid ay saarnaayeen Ergada doorashada.

https://youtu.be/ETo7DDSlf14

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.