Home Afsomali Wakiilka Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo sheegay in dhul uu leeyahay ganacsato...

Wakiilka Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo sheegay in dhul uu leeyahay ganacsato xoog ku dagan yihiin ( DAAWO SAWIRADA )

Cabdi Xoosh Ashkir oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Britain ayaa Maxkamada gobolka Banaadir u gudbiyey dacwad ku saabsan dhul laga heysto oo ku yaalla degmada Dharkeynley.

Cali Maxamed Nuux Timajilic oo ah wakiilka Milkiile Cabdi Xoosh Ashkir u qaabilsan dacwadan ayaa sheegay in milkiyada dhulkan oo cabirkiisu yahay 1000x1000m uu leeyahay Cabdi Xoosh Ashkir, looguna magac daray degaanka uu hadda ku yaallo ee Xoosh.

“Dhulkan waxaa sanado badan ka hor degay AMISOM, waxayna bixin jirtay bil kasta 120,000 kun oo dollar oo kiro ah, waxayna ka guureen sanadkii 2015-tii, ka dib waxaa si lama filaan ah u degay dad aan la garaneyn waxa ay yihiin iyo qaabka ay ku socdaan, markii aan raad-raac ku sameynay waxaa naloo sheegay iney dhisteen shirkaddaha Hormuud & HASCO” ayuu yiri Timajilic.

Waxaa uu intaa ku daray iney la xiriireen masuuliyiinta Hormuud ayna u sheegeen ineysan wax shuqul ah ku laheyn dhulkaas balse uu ku lug leeyahay Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaalle,  Waxaan sidoo kale la xiriirnay qolada iska leh shirkadda HASCO sida C/rashiid Cismaan Xasan (Harqaanle) & C/kariin Cismaan Xasan (Seenyo), iyaga weyba diideen iney nagala hadlaan dhulka ay iska degeen iyo sababta ku kaliftay” ayuu yiri Timajilic oo hadakiisa sii wata.

Cali Timajilic ayaa sheegay in ka dib ay go’aan ku gaareen iney sharciga la tiigsadaan dadkan degay dhulkaas, isagoo xusay iney dacwad arintan quseysa u gudbiyeen Maxkamada gobolka Banaadir ayna doonayaan iney Maxkamada yimaadaan dhinacyada degan dhulkaas si u cadeeyaan sababta ay ku degeen iyo iney caddeyn la yimaadaan haddii ay sheeganayaan dhulkaas.

“AMISOM intey degeneyd $120,000 bay ku degeneyd bil kasta, qolada sharci darada ku degtayna waxaan ka rabnaa iney bixiyaan lacagtaas mudadii ay degenaayeen, waxa kale oo laga rabaa magdhow iney ka bixiyaan, dhismeyaal ku dhex yiilay dhulkaas oo ay burburiyeen, sidoo kale qarashka dacwada nooga baxa iyaga laga rabaa” ayuu yiri wakiilka Cabdi Xoosh.

Waxaa uu sheegay in dhulkaas uusan aheyn dhul muran geli kara, uuna yahay dhul caan ah, lana hayo dokumentigii saxda ahaa ee dowladii kacaanku ay ka sameysay, wuxuuna xusey inuu ugu naseexeynayo dhinacyada sharci darada ku degay iney ka guuraan, qaladka ay galeena ka soo laabtaan, isagoo tilmaamay iney dhinacooda u hogaansami doonaan sharciga iyo go’aanka uu gaaro.

Ma jiro hadalka ka soo baxay shaqsiyaadka la eedeeyey balse arrintan ayaa qeyb ka ah muranada dhinaca dhulka ah ee muddooyinkan hareeyey Maxkamadaha dalka.

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.