Home Afsomali Wakiilkii urur goboleyka IGAD oo la badelay iyo mod kale oo la...

Wakiilkii urur goboleyka IGAD oo la badelay iyo mod kale oo la magacaabay

Urur Goboleedka IGAD,ayaa wakiil cusub u soo magacaabatay Soomaaliya Sida lagu xusay Warmurtiyeedkii kasoo baxay Ururkaasi ee ku saabsanaa Shirkii IGAD ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay.

Wakiilka cusub ee lasoo Magacaabay Soomaaliya waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Guyo, waxaana uu xilkaas kala wareegay Maxamed Cabdi Afeey.

Magacaabista ayaa timid ka dib markii Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Wakiilkii u qaabilsan IGAD Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ay u magacowday wakiilkeeda arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.

Maxamed Cali Guyo ayaa waxaa lagula dardaarmay in uu noqday wakiil wanaagsan oo sare u qaadi kara Xiriirka IGAD iyo Soomaaliya.

Muddo ku dhow Halsano Soomaliya malaheyn wakiil u qaabilsan IGAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.