Home Afsomali War deg deg ah Askari ka tirsan Ciidamadda oo sadax xabadood caloosha...

War deg deg ah Askari ka tirsan Ciidamadda oo sadax xabadood caloosha kala dhacay masuul dowlada ka tirsan

Askari ka tirsan Ciidamadda dowladda Soomaliya ayaa xalay magaaladda Muqdisho ku dhaawacay mid ka mid ah Agaasime Waxeedyadda Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey oo ah Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa lagu dhaawacay meel ku dhow beerta nabadda.

Askariga ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo mas’uulka la dhaawacay ayaa la sheegay in ay isku khilaafeen gaari uu mas’uulka doonay in uu hordhigto qeybaha hore ee xarunta beerta Nabadda,islamarkaana uu halkaas ka qaado dhalinyaro ay saaxiibo ahaayeen.

Khilaaf kadib askariga ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaliya ayaa ilaa 3-xabadood caloosha kaga dhuftay C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey oo ah Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha, oo haatan dhaawiciisa lagu daweynayo isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaliya ayaa xaqiijiyay falka lagu dhaawacay mas’uulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.