Home Afsomali War Deg Deg ah: Dagaal culus oo haatan ka socda Balad xaawo

War Deg Deg ah: Dagaal culus oo haatan ka socda Balad xaawo

Somalisan.net: Wararka naga soo gaaraya  degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in maanta barqadii uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamo Maleeshiyaad ah iyo ciidan taabacsan Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland, Dagaalkaan labada dhinac dhexmaray ayaa la sheegay inuu daba socdo israsaaseyn xalay ka dhacday degmada Baled Xaawo oo dhexmartay ciidamada Maleeshiyaadka iyo ciidanka ciidamo taabacsan Maamulka Jubbaland,Ilaa iyo hada waxaa ku dhintay dagaalka saakay ka dhacay degmada Beled Xaawo ku dhawaad 3 qof sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii ciidamada taabacsan Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ay weerar ku qaadeen hooy ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka, taasi oo keentay in labada dhinac uu dagaal dhexmaro.

1 COMMENT

Leave a Reply to Abdinaasir Ali Yalahow Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.