Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in uu geeriyooday Madaxweynihii dalkaasi Pierre Nkurunziza, kadib markii uu wadne xanuun ku dhacay Isniintii.
War ka soo baxay Madaxtooyada Bujumbura ayaa lagu xaqiijiyay in Madaxweynaha uu u geeriyooday wadne xanuun.
Dowladda Burundi ayaa ku dhawaaqday Murugo weyn inay u tahay dadka reer Burundi iyo caalamkaba, ka dib geerida naxdinta leh ee ku timid hoggaamiyihii dalkaasi.
Madaxweynaha weli talada dalkaasi haya ayaa ku dhintay Isbitaalka Karusi, ka gadaal markii shalay lagula cararay, xilli uu soo ritay wadne xanuun.
Madaxweynaha 55-ka jirka ahaa ayaa tan iyo sanadkii 2005-tii maamulayay dalkaasi, waxaana lagu waday in bisha August uu bedelo Evariste Ndayishimiye, oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday 20-kii bishii hore ee May.
Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, Evariste Ndayishimiye ayaa ah nin ay aad u wada xifaaltami jireen Pierre Nkurunziza, Madaxweynihii weli talada dalka hayay.