Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa goor dhow gudaha u galay Guriga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid oo ka mid ah Senatorada Aqalka Sare.
Warar hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladdu howlgal qorsheysan ay ka wadaan Guriga Xildhibaankaasi.
Lama oga illaa iyo haatan sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya howlgalkaasi ay qaadeen Ciidanka Dowladda.
Balse dhawaan ayey ahayd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, sidan oo kale howlgal qorsheysan ay uga sameeyeen Guriga Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ay Dowladdu Xabsi dhigtay .
Inkasto markii dambe Maxkamadda Gobolka Baanadir ay ku dhawaaqday in wax dambi ah uusan lahayn Siyaasigaasi