Dr Maryam Qaasim Axmed oo iska casishay xilkii
VIDEO Wasiirkii wasaarada gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka DRs maryan qaasim axmed ayaa shaacisay in ay xilkii wasiirnimo iska casishay waxaana intaa wararku ku darayaan in ay isla markiiba ka guurtay hotelkii ay magaalada ka daganeryd iyada oo aan la oegyn halka ay u guurtay mana jiraan warar kale oo sheegaya in ay garoonka diyaarad ka raacday
wasiirada ayaa loo maleynayaa in ay ka carootay qaabka loo maareeyey gargaarkii dalka la soo gaarsiiyey oo ku dhacay gacmo kale oo aan iyada hoos imaaneynin sida gudiyada gargaarka lagu salimo oo ka madaxbanaan wasaaradeeda
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wasiirada ay ku wargelisay Wasaaradda inay iska casishay xilkeeda, isla markaana ay dhowaan faah faahin doonto sababaha ay isu casishay.
Drs Maryan Qaasim ayaa ka mid ahaa Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, waxaana Wasaaradeeda aheyd mid ku cusub wasaaradaha Soomaaliya oo la magacaabay bishii March ee sanadkan.
.