warar aan la hubin ayaa sheegay in uu soo baxay liis ay ku qoran yihiin wasiiro cusub halka kuwa horena lagu bedelay kuwo ay isku heyb yihiin qoraanka aan helnay ayaa sidaan u qoraa Goordhaw waxaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga rajeynayaa isku shaandheyn iyo Magacaabid Cusub ee Golaha Wasiiradda.
Ilo kudhawdhaw Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in xubnaha Golaha Wasiirada ee isbedelka taabanaayo ay kamidyihiin kuwa soo socdo:
1. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud waxaa lagu bedelayaa
Mudane Mustaf Sh. Cali Dhuxulow.
2. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Buldhada Mudane Biixi Cige, waxaa lagu bedelayaa Mudane Mustafa Aadan Dagaal.
3. Wasiirka Gaashaandhigga C/Qaadir Maxamed Nuur (Wasiir Tiktok) waxaa lagu bedelayaa
Mudane Cali Aadan Caddow (Macalin Cali)
4. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) waxaa lagu badeliyaa
Mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Bekos)
5. Wasiirka Bey’ada iyo Deegaanka Marwo Khadija Maxamed Almakhzoumi waxaa lagu badelayaa
Mudane Xildhibaan Maxamuud Axmed Maxamed (Baafo)
6. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Axmed Macalin Fiqi waxaa lagu badelayaa Mudane Xildhibaan Dr. C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Cagaweyne)
7. Wasiirka Caafimaadka Mudane Dr. Cali Xaaji Abuukar waxaa lagu badelayaa Mudane Dr. Xamse Aadan Xaadoow.
8. Wasiirka Batroolka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed waxaa lagu badelayaa
Mudane Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)
9. Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Cumar (Cali-Balcad) waxaa lagu badelayaa
Mudane C/raxmaan Maxamed Sheikh (Moblen) oo loo magacaabaayo Wasiir Dowlaha Bey’ada
10. Wasiir ku-xeenka Arrimaha Dibadda Mudane Isaaq Mursal waxaa lagu badelayas
Mudane Maxamuud Macalin Yaxye.
11. Wasiir Dowlaha Bey’ada iyo Kheyraadka Mudane Adam Aw Xirsi waxaa lagu badelayaa Mudane Abdisatar Gelle oo loo magacaabaayo Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda
12. Wasiir Dowlaha Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamuud Jinaqow
waxaa lagu badelayaa Mudane C/naasir Maxamed Sheekh Nuur (Shub)
13. Wasiir Ku-Xigeenka Waxbarashada Mudane Axmed Daqare waxaa lagu badelayaa
Marwo Daleys Xasan Aadan.
14. Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga & Warshadaha Mudane Cusmaan Daalo waxaa lagu badelayaa
Mudane Maxamuud Cabdullahi Abuukaato
Saxaafadda ayaa hadda looga yeeray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaana la filan in ilaa cawada lashaaciyo.