Qarax xoog leh ayaa goordhaw ka dhacay Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle.
Qaraxa ayaa ka dhacay Afaafka hore ee Xerada lama galaay oo ay degan yihiin Madaxda maamulka Hirshabeelle.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
dadkii ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Aamino oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Beledweyne
Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay magaalada Baladweyne caawa.
Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa gudaha xerada lama galaay.
Ciidamo aad u fara badan ayaa la dhigay guriga uu Baladweyne ka degan yahay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.