Home Afsomali War Murtiyeed Xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

War Murtiyeed Xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

https://youtu.be/AwlAvTaNDyQ

Shirkii maalmahan magaalada Muqdisho uga socday golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhaw laga soo saaray war murtiyeed lagu cadeeyay qodobadii looga hadlay shirka iskuna afgarteen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shirkooda waxa ay ka soo saareen illaa shan qodob oo nay diirada ku saareen kuwaa oo kala ah, sugidda Amniga, La dagaalanka Argagixisada, Dardar gelinta dib u eegista Dastuurka, Dimoqraadiyeynta iyo Doorashooyinka.

Madaxda shirtay ayaa isku raacay in dalka laga dhaqan geliyo nidaamka Xisbiyada Qaran, in dalka laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan, kuna saleysan cod bixiyeyaal diiwaan gishan iyo Xisbiyo u tartama golayaasha heerarka kala duwan.

Sidoo kale Waxaa Golaha Wadatashiga Qaran isku raaceen in la qabto labo doorasho, mid Heer Federaal iyo dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka, waxa ay sidoo kale isku raaceen in shirka kale ee golaha isugu imaanayaan qabsoomo bisha December.

 


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.