Home Afsomali WAR-SAXAAFADEED Dowlada Somalia oo Cadeysay in CiiseTarabuun Soo dhameystay Xukun Maxkamadeed uu...

WAR-SAXAAFADEED Dowlada Somalia oo Cadeysay in CiiseTarabuun Soo dhameystay Xukun Maxkamadeed uu xor u yahay Halkii uu Doono In uu Aado

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa cadeyneysa in Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi, oo ku magac dheer Ciise

Tarabuun, uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo soo dhameystay xukun maxkamadeed.

Ku simaha Wasiirka Ahna Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta

dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Isaaq Cali, ayaa sheegay in sanadkii 2017-dii, oo Cabdiwaaxid loo xiray eedo la xiriira argagixisnimo ay dacwaddiisa qaadday maxkamadda ku shaqada leh ee Ciidammada qalabka sida, oo markii ay kiiskiisa baartaay ku xukuntay 2 sano oo xabsi ah.

“Cabdiwaaxid, ayaa markii uu dhammeystay xabsigii ay maxkamadda

military-gu ku xukuntay la sii daayay sida sharcigu qabo. Waxaana sii

dayntiisa in muddo ah kadib lala socday dhaq dhaqaaqiisa iyo xaaladaha.”ayuu yiri Ku simaha Wasiirka Ahna Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Aden Isaaq.

Dowladda Soomaaliya, waxay si cad u muujinaysaa in Cabdiwaaxid uu yahay muwaadin maray xukum ciqaabeed xabsi laba sano ah, oo ay ku xukuntay maxkamadda militariga Soomaaliga.

DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.