Home Afsomali WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY WASAARADDA AWQAAFTA & ARRIMAHA DIINTA XFS, Bismillaahi...

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY WASAARADDA AWQAAFTA & ARRIMAHA DIINTA XFS, Bismillaahi Wa salaatu Wa salaamo Calaa Rasuulilaah

Bismillaahi Wa salaatu Wa salaamo Calaa Rasuulilaah
قال تعالى: ) واعتصموا بحبل الله جميعا ولا تفرقوا(، أل عمران، أية 301
وقال س بحانه : ) وأ طيعوا الله ورسوله ولا تنازعوا فتفشلوا وتذهب ريحكم واصبروا ان الله مع الصابرين ( ا لنفال/ 64 . صدق الله العظيم

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY WASAARADDA AWQAAFTA & ARRIMAHA DIINTA XFS,
Bismillaahi Wa salaatu Wa salaamo Calaa Rasuulilaah
قال تعاىل: ) واعتصموا حببل هللا مجيعا وال تفرقوا(، أل معران، أية 301
وقال س بحانه : ) وأ طيعوا هللا ورسوهل وال تنازعوا فتفشلوا وتذهب رحيمك واصربوا ان هللا مع الصابرين ( ا لنفال/64 .صدق هللا العظمي

Maanta oo Sabti ah, taariikhduna tahay 26 Rabiicul Awal 1441 ee
taariikhda Hijriyada, isla markaana ku beegan 23 November 2019,
Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya waxey soo saartay war Saxaafadeedkan:

1. Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta ayaa masuul uga ah
Dalka Arrimaha Diinta Sida uu qabo Dastuurka JFS, Qodabka 3aad Faqradiisa 1aad.

2. Wasaaraddu waxay cadaynaysaa in ay dexdhaxaad u tahay
dhammaan argatiyada kala duwan ee Culumada Soomaaliyeed,
waxey-na kulmisaa culimada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.

3. Wasaaradda waxey u mahad celineysaa dadaallada Sheeikh
Maxamed Cabdi Umal iyo Culimadii la socotay ay ka geysteen
gargaarka shacabkii Soomaaliyeed ee ku waxyeelobay Fatahaadihii ka dhacday Gobollada Dalka qaar kamid ah.\

جـمـهـوريـة الصــومــال الفيدراليه
وزارة األوقاف والشؤون الدينية
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta
The Federal Government of the Somali Republic
Ministry of Endowments and Religious Affairs
REF:WAAD / 05 /2019 Date: 23/11/2019
2
4. Wasaaradda waxey sheekha uga mahad celineysaa Khudbaddii uu ka jeediyay Masjidka Isbaheysiga oo si wanaagsan u dhacday.

5. Kadib Markii ay qeyb kamid ah bulshada Soomaaliyeed oo ka
codsaday Sheekh Maxamed Cabdi Umal in uu qabto Muxaadaro
Guud ayuu sheekha aqbalay, arrintaa oo ay soo dhaweeyeen
hay`daha Xukuumadda oo ay wadaaraddu hormuud ka tahay.

5. Waxaa ayaan darra ah in tashwiish lagu furay qabashada
Muxaadarada Sheekha oo cinwaankeedu ahaa “Asbaabaha Keena
Musiibooyinka & sida looga hortgo” waxuu Sheekhu soo jeediyey
asagoo tixgalinaya duruufaha ku xeeran muxaadarada in la baajiyo, Wasaaraddana wey ku waafaqday soo jeedintaas.

6. Sheekha waxuu qaban doonaa inta uu dalka joogo barnaamijyo
Wacyigalineed oo ka bixi doono warbaahinta kala duwan ee dalka.

7. Wasaaradda waxay diyaar u tahay in ay Sheekha Maxmed Umal ay ku martiqaadi doonto barnaamijyo wacyigalineed xilliga ku haboon,Isla markaana ay diyaar u tahay soo dhaweynta dhammaan culumada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah wacyigalinta bulshada Soomaliyeed oo xilligan baahi weyn loo qabo.

MAHADSANIDIIN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.