Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saakay ay degan tahay xaalada magaaladaas, kadib dagaal Culus oo Shalay galinkii dambe ilaa Xalay fiidkii soo gaaray oo ku dhex halkaas ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.
Inta la xaqiijiyay dagaalka culus ee ka dhacay gudaha magaalada Baraawe waxaa ku dhintay ilaa 10 ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay khasaariha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shaabeelaada Hoose.
Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa sidoo kale sheegay iney ku guuleesteen in xabad joojin ay kala dhex dhigaan ciidamada labada dhinac ah ee dirirtu dhexmartay, islamarkaana ay baarayaan waxaa sababay dagaalka.